Magacaabista Raysalwasaaraha JFS.
Sida aannu warka ku helayno Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaliyeed ayaa la sheegay inuu go’aan ka gaadhay qofkii noqon lahaa Raysal-Wazaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliyeed jagadaasoo uu uxushay mudane Saacid Faarax Garaad.
Muddo hadda laga joogo 26 Maalmood ayaa la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya. Farxad iyo rayrayn iyo rajo cusub ayaa meel ay joogaanba ummada Soomaaliyeed gashay. Waxyaalaha ay dadku ku faraxsanaayeen waxaa ka mid ahayd;
- In Madaxweynaha la doortay ahaa nin aqoonyahan ah oo aan hore loogu aqoon xumaanihii hadheeyey waddanka Soomaaliya muddadii burburka iyo dawlad la’aanta iyo muddadii kumeelgaadhnimada.
- In Madaxweynaha la doortay uu ahaa nin waddanka aan ka bixin oo la qiyaasayey inuu xogogaal u’ahaa dhibaatooyinkii iyo caqabadihii ay ka socon waayeen Dawladihii kumelgaadhka ahaa
- In madaxweynaha la doortay ahaa nin ka shaqaynayey arrimaha bulshada iyo samafalka sidaa daraaddeed ogaa baahiyaha iyo barnugaylka shacabka Soomaaliyeed
- In Madaxweynaha la doortay uu ka qaybqaatay qoraallo cilmibaadhiseed oo lagu eegayey dhibaatooyinka Soomaaliya iyo xalka looga bixi karo
- In Madaxweynaha la doortay ahaa nin ay ka muuqatay ama ku suntanaa nin diimeed
- Iyo in Ilaahay ummaddii Soomaaliyeed “labadii Shariif” .
Intaa aan kor kusoo sheegnay ino kaloo badan ayaa ummadda Soomaaliyeed yididiilo geliyey. Haddaba ummadda Soomaaliyeed iyo caalamkuba waxay filayeen inuu madaxweynuhu garnakarayo in go’ankiisa iyo ficilladiisaba aad looga dhursugayao indhahana lagu hayo si ka duwan kuwii hore ee ku meelgaadhka ahaa.
Waxaad mooddaa inay madaxweynaha arrinta magacaabista raysalwasaaruhu ka baahday, oo uu go’aan degdeg ah ka gaadhi kari waayey. Carruurta reer miyiga waxay shaqadooda ka bilaabaan inay maqasha raacaan, marka la’ogaado inay maqasha ka adkaadaan ayaa adhiga loo diraa iyadoo lagu kormeerayo. Mararbaa waxa dhacda in adhigu ka kala baaho oo ilmuhu isu soo ururin kari waayo oo ku jaahwareero, waxa afka raacatada la yidhaahdaa yarkii/yartii “Adhigii baa ku tafdheeraaday”
Waxa kaloo dadka qaar ku micnayn karaan madaxweynuhu way uqorshaysnayd cidduu magacaabayo laakiin madaxweynuhu waa ciyaal bacaadoo wuxuu samaynayey waxa ciyaal xaafuhu ugu yeedhaan “cago wareejis” ama dadka geelleyduna ugu yeedhaan “Dabbaal joogto”.
Si kastaba ha’ahaatee waxa muuqata in Madaxweynuhu manta ku dhawaaqay Raysalwasaare Mudane Saacaidx Faar Garaad oo degaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Gedo.
Waxa xusid mudan in Madaxweynuhu uu kasoo jeedo gobollada loo yaqaan Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya (South-Centraal Somalia). Waxa kaloo xusid mudan in Afhayeenka Golaha shacabku kasoo jeedo Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Ugu danbayntiina Raysalwasaaraha la doortay ayaa isna noqonaya nin kasoo jeeda Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Arrinkani waxay umuuqataa arrin wax udhimi karto isu dheellitirka awood qaybsiga marka laga eego dhinaca degaanka.
Waxaa kaloo sii horraysey in Madaxweynuhu booqday gobollada Bay iyo Hiiraan. Booqashadaasi waxay ahayd arrin wanaagsan oo ay mudnayeen in Madaxweynuhu arko ummadduu xilka ugu dhaartay . Waxase laga filayey inuu booqdo gobollada kale ee ay suurto galka tahay in la boonqan karo. Tusaale gobollada Maamulka Puntland ka arrimyo oo la odhankaro waaba inta keliya ee ammaan na ah maamul dhisannina ka jiro oo dawladda iyo midnimada taabacsan. Waxaba la filayey inay tahay meelaha madaxweynuhu ka bilaabayo waayo waa degaan Soomaaliyi ka arrimiso una heellan midnimada. Waxa labadan arrimood ee israacay loo fasiran karaa in Madaxweyne Xasan aanu dan ka lahayn Soomaalida kale marka laga reebo Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliyeed. Waxa kaloo la odhankaraa Madaxweynuhu malaa isagaaba udiyaar ah inaan wadashaqayni dhicin (Riyuhu iyagaa lugahooda xananka kudoonta). Dadka qaarna waxaabay arrinkan kusifeeyeen madaxweynaha culays baa saaran la leeyahay ismuuji oo dadka tus inaadan “Puntland u afduubnaanayn”
Si kastaba waxay Taleex media soo dhoweynysaa Raisal-Wazaaraha cusub oo ah nin Soomaliyeed oo isaga laftiisuna siyasadda kucusub, xaqna uleh istaahilana inuu jagadan qabto. Waxayna urajaynaysaa inuu noqdo mid isu arka mas’uul Soomaali dhammi sugayso.
Xusuusin weli laguma dhawaaqin si sharci ah (officially) laakiin xogtan waxaannu ka helnay ilo xog-ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo.












