Puntland oo soo dhoweysey magacaabista Raysal Wazaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed
Dawladda Puntland ayaa maanta soo saartay war murtiyeed ay kaga hadlayso magacntaabista Raysal Wasaaraha cusub mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Dawladda Puntland ayaa war murtiyeedkaas oo uu saxaafadda u akhriyey Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxammuud Caydiid Dirir ayaa sheegay inay Dawladda Puntland ay soo dhoweyneyso Raysal Wasaaraha cusub ee la magacaabay iyagoo sida ku cad warsaxaafadeedkaas ay dawladda Puntland ku caddaysay inuu muuqato isu dheelli tirnaan dhinaca awoodda ah marka loo eego xagga degaanka, maadaama Saddexda Mas’uul ee ugu sarreeya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay kasoo wada jeedaan dhinaca Koonfurta fog ee Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso war saxaafadeedkii oo dhammaystiran.
Dawladda Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
Waxay Dawladda Puntland hormuud ka ahayd nidaamka Federaalka ee Soomaaliya 1998 iyo 2004, waxayna sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadatay dhamaystirka geeddi-socodkii lagaga baxayey ku-meel-gaarnimada [Roadmap] iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka ah.
Waxay Dawladda Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaari lahaa Dawlad Somaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran.
Waxay kaloo diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Somaliya oo muddo 22 sano ka badan xad-gudubyo bini-aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaareen.
Dawladda Puntland, waxay Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Somaliya [Constitutional provisions]
sida:
• Ilaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya,
• Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah
• Taageeridda dhismaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Dwladda Federaalka ee Somaliya oo dhismahoodu socdo sida, Jubbaland iyo kuwa kale ee ka dhalanaya deegaanada Digil iyo Mirifle iyo qaybaha kale ee Somaliya
• U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo.
Ugu damayntii waxay Dawladda Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka.
-Wasaaradda Warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka DP.












