Wefdi Raaskambooni Ka Socda Oo M/Weynaha Kilinka 5-Aad Kula Kulmay Adisababa Kana Wada-Hadlay Maamulka İGAD U Sameyneyso Jubooyinka
| Sunday, 07 October 2012 07:04 |
(Shacabka Media. 07/10/12). )Wafi ka socday Ururka Raaskaanbooni ayaa maanta magaalada Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, iyagoo ka wada hadlay Xaalada deegaanka Jubbaland & isbedeladii ka dhacay guddaha magaalada Kismaayo iyo shirarka ka socda magaalada Nairobi ee ay soo abaabushay IGAD, kaas oo maamul loogu samayn doono deegaanada Jubbooyinka.
Wafdiga ururka Raaskaanbooni ayaa waxaa hogaaminayey Macalin Maxamed Ibraahim iyo madaxda arrimaha dibada ururka Mukhtaar Sahal ,kulankaas oo ka dhacay Hotel Gion ee magaalada Addis Ababa.
Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ayaa sheegay in ay si fiican u soo dhoweynayaan maamulka loo samaynayo gobolada jubbooyinka, isla markaasna ay Ethiopia ay gacan weyn ka geysanayso ayna taageerayso maamul u samaynta deegaanka Jubbooyinka.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in nabadgelyadu ay tahay shayga ugu muhiimsan Geeska Afrika , loona baahan yahay in la taageero, waxaana intaas ku daray in dowlada Ethiopia cid walba oo wanaag wax ku doonaysa lala shaqayn doono, wixii Qas iyo dhib wadana meel looga soo wada jeesan doono.
Waa markii ugu horaysay ay Masuuliyiin ka tirsan ururka Raaskaanbooni ay safar Shaqo ku tagaan magaalada Addis Ababa, kuwaas oo howshoodu tahay siddii xiriir wada shaqayn ah ay ulla yeelan lahaayeen masuuliyiinta deegaanka Soomaalida , iyadoo si fiican loogu soo dhoweeyey dalka Ethiopia.
Source: Shacabka Media.
|