Published On: 8 October 2012 6:14 pm

Kooxda Jubbaland Concern oo baaq soo saartay: “Hiiraan iyo Bay maamul madaxbannaan hasoo samaystaan Kismaayona dawladdaa maamul usamaynaysa!”

Ku: Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya

Ku:Waxgaradka Soomaaliyeed ee nabadda jecel

Ku:Dawladaha ku baheysan urur goboleedka IGAD

Ku: Hoggaanka Ciidamada AMISOM

Ku: Ururka Midawga Afrika

Ku: Bulshada Caalamka

Ujeeddo: Digniin iyo Baaq wadajira oo kusaabsan Jubbooyinka

Hay’adda Jubbaland Concern Group (JCG) waxey marka ugu horeysa umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto ugu hambalyeyneysaa in manta Soomaaliya ay yeelatay dawlad qaran oo laga baxay xiligii ku meelgaadhka ahaa. Iyadoo ay jiraan caqabado badan oo ubaahan fiiro iyo taxaddar gooni ah haddana JCG aaminsantahay inay lagama maarmaan tahay in dalka lagu hoggaamiyo caddaalad iyo sinaan aan lahayn eex iyo nin ama beel jecleysi si aan loogu laaban sanadihii xanuunka badnaa ee taariikhda inoo galay.

Intaas kadib hay’adda JCG waxey umadda Soomaaliyeed ugu baaqeysaa isla markaana ka digeysaa inaan dib loo raadinin halaaggii iyo dhibaatooyinkii ina soo maray oo dhamaantood ka dhashay caddaalad xumo.

Anagoo tixraaceyna hadalkii dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha ee la xiriiray in dawladdu maamul usameyneyso Jubbooyinka iyo hadallada saraakiil ciidamada ka tirsan ay ku celceliyaan maalinwalba waxaan dareensanahay in talaabooyinka noocan ahi ay dalka dhibaato badan usoo jiidi karaan ayna horseedayso qabyaaladdii laga soo gudbey muddo hore kadib.

Waxaa madaxweynaha iyo waxgaradka Soomaaliyeed dib uxasuusineynaa in nadaamka dawladda Soomaaliyeed ay kusaleysan tahay mid Federaal ah waxaana kadigeynaa siyaasadda laga sameynayo Xamar ee dhinaca u janjeerta. Tusaale ahaan waxaa dalka Soomaaliya gobolo badan oo kamid ah ka dagaalama Ahlu Sunnah Waljamaaca oo maamula magaalooyin badan mana jirto wax hadal ah oo ka dhan ah oo kasoo baxaya dawladda iyadoo ay maalmahan soo badanayso hadalada ka dhanka ah ururka Raaskambooni oo la ogyahay raadkiisa iyo dagaalada uu la galay ururka Alshabaab xilli dhamaan ama inta badan Soomaalidu ay dhabarka u ridatay xukunka Alshabaab.

Saddexdii sano ee ugu danbeysey ee ururka Raaskambooni uu dagaalka kula jiray ururka Alshabaab waxaa ku dhintey wiilal aad ubadan waxaana ku dhaawacmay boqolaal wiil oo ku waayay lixaadkoodii waxaana nasiib darro ah in raggii shalay daawanayay ama taageersanaa Alshabaab ay maanta madaxweynaha dhagihiisa hayaan ayna talooyin aan habbooneyn ay siinayaan. Madaxweynaha waxaan xasuusineynaa inuu dib u eego dastuurka lagu soo doortey inta uusan hadallo aan laga fiirsanin warbaahinta ka odhanayo kuwaasoo aan wax faaiido ah u lahayn xukuumadda curdanka isla markaana sii kala fogayneysa umadda Soomaaliyeed.

Dalka Soomaaliya waxaa kusugan ciidamo badan oo aan Soomaali ahayn iyo ciidamo badan oo aan ahayn kuwa dawladda waxayna ciidamadaasi ka dagaalameen meelo badan oo ka tirsan waddanka sida Hiiraan, Galguduud, Gedo iyo Bay iyo Bakool meelwalba oo laqabsadeyna waxaa maamul usameeyey ciidamada qabsadey ee meesha jooga mana dhicin wax hadal oo kasoo yeeray dawladda waxaana nasiib darro ah in rag dana gaar ah leh ay madaxweynaha hadal aan sax ahayn ujeediyaan iyo inuu ka aqbalo.

Dalku waa Federaal waxaana magaala walba maamulaya dadka daggan mana jiri karto meel maamul aysan rabin loo magacaabi karo. Puntland iyo Galmudug iyo meelaha ay Ahlu Sunnah ka taliyaan Madaxweyne Xasan kama hadlo sidaas darteed waxaa umadda udhaxeeya dastuurka Federaalka ah. Magaala walba oo dalka ku taalla waa magaala Soomaaliyeed sida Baydhabo iyo Xamar, ama Boosaaso iyo Baladweyne, waana lagu kala badan yahay waxaana marwalba goaanka iyo talada yeesha dadka daggan mana dhicin meel dusha looga yimid.

Hay’adda JCG waxey ka digeysaa in Madaxweyne Xasan uu ka feejignaado waxyaabaha kala fogeyn kara siyaasadda Soomaaliya iyo kala tagga umadda waxaana looga fadhiyaa inuu noqdo shakhsi aan ku xirnaanin beelo gaar ah iyo shakhsiyaad dano gaar ah leh, waxaana looga fadhiyaa inuu talaabo iyo hadalwalba miisaamo. Waxaa jira hadallo colaad mooyee aan ciidan iyo cawo midna kuu keeneynin sida midkii maalinkii dhaweyd uu Baladweyne ka sheegey. Waxaa laga rabaa madaxweynaha inuusan fududaanin, indhaha iyo dhagahana furo.

Ugu danbeyn hay’adda JCG waxey umuuqda ifafaalo dhiileysan oo magaalada Muqdisho laga shidayo waxaana habboon in Muqdisho aysan noqonin Maroodigii eegayay Takarta kale ee aan tiisa arkeynin. Waxaana uga digeynaa madaxweynaha Soomaaliya inuu ahaado kuna sifeysmo nin Soomaali oo dhan ay dooratey ayna caddaalad kasugeyso. Wanaagga Soomaaliya maanta gaadho miisaan badan ayuu Madaxweyne Xasan ku yeelan doonaa sidoo kalena haddii tala xumayaal badan la dhageysto waxuu dalku halis ugu jiraa in dib loogu laabto 1991 waxaana jira dano intii hore ka xoog badan oo sugaya in fursaddaasi timaaddo oo Soomaali dhexdeeda beelo isku layso si ay fursad ugu helaan damacooda gurracan.

Soomaaliya Soomaali Baa leh!

jubbalandconcern@gmail.com

Jubbaland Concern Group