Mashruucii Khaatumo-Seeg oo Yaboohsi Hor leh Bilaabey, iyo Qurbo Joogta oo Ka Biyo Diidey (Dhageyso)!
Mashruucii Khaatumo-Seeg oo beryahanba ay badiba hor-boodayaashiisu ku banjarsanaayeen Xamar faraqana loo haysto deyman fara badan oo lagaga leeyahay meherado kala gedisan sida marfashyada jaadka, makhaayadaha hilib-geelka laga cuno iyo albeergooyinka loo hurdo tago ayaa maalinimadii Sabtida ee shalay ahayd khadka telekonferenska ku dul baroortay qurba joogtii ay hore u dhaceen bal inay kolakan inaba dhiidhigaa ka dhex saaraan, iyada oo ay baryaoodu kusoo beegmayso xilli ay soo afjarantey maaweeladii aheyd Jagada Afhayeenka Baarlamaanka ama Ra’iisal Wasaaraha inaan idiin keeno baanu Xamar u fadhinaa (Hargo maran side hawli uma dhina habaarna u dheer.)
Hase ahaatee qurbo joogta ayaa baarashadaa horta leh si weyn uga biyo diidey iyagoo ku andacoonaya in mashruuca iyo hor-boodayaashiisuba bal marka hore ay meel kaga waramaan halka ay mariyeen hantidii ay hore uga lunsadeen bulsho weynta SSC.
Garaad Jaamac iyo Garaad Saleebaan oo Xamar ku sugan iyo Indhosheel oo isna ka mid ah koox madaxweynenimo wada sheegata oo Taleex ay ugaga guureen kal hore ayaa ka mid ahaa hor-boodayaashii qurbo joogta yaboohsaneysay.
haddaba nin isagu u hadlayey jaaliyada qurba joogta ee Norway oo isku magacaabay Xuseen Cali Guntane ayaa si kulul uga jawaabey catawgooda, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa”Waad ahaanjirteen Garaaddo,laakiin hadda ma tihiin Garaaddo, idinkuna madaxweynayaaloow maanta madexweynayaal ma tihiin, anaguna waanba idiin khajilnaaye(cidina wax idin siin maysee) ciilkiina ku raaga wiilkiinuna taasuu ku noolaan doonaaye.”
Halkan Ka Dhegayso Codka Guntane
Waxaa iyana sidoo kale nin isku magacaabey Cabdullaahi oo sheeganayey inuu ku magacaabanyahay Meeyarka Xuddun ee mashruucaas uu canbaareyn iyo dhaleecayn culus dusha uga tuurey qolyaha isku magacaaba Jii-yada ama hormuudyada mashruuca Khaatumo-Seeg, khaasatan isagoo eeda dusha uga riday labo Cale.
Waxaa hadaladiisa ka mid ahaa ” Labo Cale waxbey faraha noo geliyeen oo nooga tageen dibna nooma ay soo eegin, guriguna waxuu ka dhismaa seeska laakiin korka lagama bilaabo, Khaatumona waa gegidii cidlada aheyd oon dhagax danbe la saarin seeskeeda, weligeedna qabyadaas bay ahaaneysaa “
Halkan Ka Dhegayso Codka Meeyarka
Baahi dhaqaale oo weyn ayaa soo wajahday mashruuca Khaatumo-seeg oo aan lagu dabooli karin shilimaadka sida dhagareysan looga qalin shubateeyo qaar ka mid ah war-ma-qabtada qurbo joogta bulsho weynta SSC ee waxqabadka u ooman.
Arintu si kastaba ha ahaatee odayaasha qaarkood sida afduubka ah lagu soo barakiciyey ee Xamar ku xaniban in nooliga loo ururiyaa waa mid meesha ku jidha, Taleex Mediayana qabanqaabadeeda si weyn u dhiirigelinayso, maxaa yeelay isku soo wada duuboo qaylodhaantii telekonferasku waxay dulucdeedu ahayd:
Mugga waan tegaaynaa haddaan, taabno nooliga e
Tabantaabo gacal baan rabnaa, tolow ha nala dhoofsho.
Editor, Taleex Media














waxan idhi ka qora taleex media waxaan umalanay inuuyahay garaac majeerten badhalay baan umalanay marka waxan leyah sxb dadka caayda ka daa ma mijeerten ba ku dhalay sxb inta isheeg
asyaddada majeerteen afkaaga qadhmuun ka cesho.mjeerteen waa ROYAL weligiis aragti dheer leh cayduna nebigeenna suubban wuxuu ka yiri waxay ku noqotaa qofka yiraahda.caqli haddii la gado midbaan kuu gadilahaa.