Published On: 10 October 2012 1:40 am

Kismaayo oo maamul ku meel gaar ah yeelanaysa

Kn:Gole guddiya nabadgalyada deegaanka oo ka kooban 12 xubnood ayaa la filayaa in loogu dhawaaqo gobalada Jubbooyinka maalmaha foodda inagu soo haya.

Golahan ayaa ah mid ku meel gaar ah, kaasi oo ku simi doona maamul gobaleedka la filayo in laga yagleelo labada Jubba iyo Gedo oo hadda dhamaystirkiisu uu ka socdo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Sida aan ka soo xiganay ilo u dhuun daloola, maamulkan ku meelgaarka ah oo ay ku qanacsanyihiin deegaanku ayaa laga filayaa inay sugaan amaanka goobaha gacanta ugu jira ciidamada huwanta isla markaana xaqiijiyaan soo xero gacan ku dhigista gobolka iyo degmooyinka wali ku haray gacanta xarakada Alshabaab iyo waliba u sii gogol xaarista maamulka la rajaynayo inuu u curto Jubbooyinka iyo Gedo kaasi oo ay ku hawlanyihiin hirgalintiisa dalalka ku bahoobay IGAD.

Magacyada Golahan ayayna noo wada suuro galin inaan wada helno, laakiin qaar kamid ah shacabka magaalada ku dhaqan oo aan waydiinay ayaa soo dhaweeyay in Shacabka Kismaayo ay dhinac ka raacaan qayrkooda ayagoo ku wada noolaanaaya nabad iyo is taakulayn, lagana fogaado khilaaf iyo tafaraaruq.

Source: KismaayoNews.com