Warbixin— Shirkii Jubooyinka ee Nairobi ka socdey xagee maraya, Maxaase kasoo baxay ilaa hada, Yaase ka dambeeyey Shirkaan!
Shirka ayaa ugu horeyn looga hadley sidey usuuroobi lahayd in Maamul loo dhan yahay oo Dadka deeganka ah loogu sameyn lahaa Jubooyinka(+Gedo), Ergada Shirka isugu timid ayaa dhamantood ah Dadka deegaanka, waxaana ilaa hada la isla meel dhigey sidii loo unki lahaa Maamulka Jubooyinka.
Waxaa la isla soo qaadey in Kismaayo lagu qabto Shirwayne ay kasoo qaybgali doonaan in ka badan 530 ergo oo ah Madax dhaqmeedyad, waxgaradka, Aqoonyahanada iyo Ururada Bulshada ee kasoo jeeda Goboladaas.
Waxaa kaloo laga wada hadley sidii loo sameyn lahaa Baarlamaanka maamulka oo fikir ahaan lasoo jeediyey inuu noqdo Dhowr iyo lixdan mudane loona kala qaybiyo Sadexda gobol.
Gudiga Farsamada ee hada lagu dhawaaqey ayaa dabayaaqada bishan u safri doona Kismaayo si ay u bilaabaan abaabulka Shirwaynaha aykasoo qayb galayaan Shanta boqol iyo dhowrka Ergo, waxana shirkaas si rasmi ah loogu sameyn doonaa Maamulka Goboladaas.
Ciidamada qabtey Kismayo iyo Shirka jubooyinka ee Nairobi maxaa ka dhexeeya
Shirka ka socda Nairobi iyo qabashada Gobolada Jubooyinka iyo Gedo waxay kamid yihiin howlgal xoogan oo ka bilowdey Kenya lana doonayey in Goboladaas looga xoreeyo Al-shabaab, ka dibna loogu sameeyo Maamul ka kooban Dadka deegaanka oo xasiliya amaanka Gobolada, Goboladaan ayaa tan iyo burburkii Soomaaliya ahaa kuwo ay soo gaartey dhibaatooyin badan, waxaana isaga dambeeyey Gobolada gacmo badan oo Al-shabaab u dambeeyeen.
Qorshaha ayaa labo loo qaybiyay mid Howlgal ciidan ahaa iyo Mid u dhaqdhaqaaqa habkii maamul loogu sameyn lahaa Gobolada.waxaana maal galiyey IGAD oo Kenya iyo Itoobiya u horeeyaan.
Ciidamada :- Ciidamada hada gacanta ku dhigey Jubooyinka waxay ka kooban yihiin Sadex ciidan oo kala ah..
1-Ciidanka Dowlada FS ku magacaaban — Mudo hada sanadyo laga joogo waxaa Kenya laga bilaabay abaabul lagu ururinayo Ciidan, ciidankaasoo ka koobnaa Dadka deegaanka oo idil laakiin waxaa loo galiyey shaar magaca Ciidamada DowladaSoomaaliya ah, waxaana sadex sano ka hor tababar looga bilaabay gudaha Kenya, Ciidankaan waxaa si habeysan ay uga kooban yihiin dhamaan Dadka ku abtirsada Goboladaas, waana kuwa maanta loogu yeero Ciidamada Dowlada Feederaalka Soomaaliya ee jubooyinka wax ka qabtey.
2- Ciidamada Raaskaambooniyiinta: Raaskaambooniyiintu waa urur siyaasad ahaan lamid ah Suna waljameeca, waxayna ku urursanaayeen gudaha gudaha Jubooyinka intuusan howlgalku bilaabaan, maadaam ay ka mid yihin dadka deegaanka waxay qayb ka noqdeen howlgalka, iyadoo hada la arkey iney qayb libaax ka qaateen qabashada jubooyinka, taasina waxay kor u qaadey awoodoodii, Axmed Madobe oo kamid ah Saraakiisha ugu sareysa Raaskaambooniyiinta wuxuu ka mid ahaa Dadkii lahaa fikirka howlaglka jubooyinka.
3-Ciidamada Amisom(Kenya iyo Itoobiya):- Ciidamada Amisom oo ka kooban kuwa Itoobiya iyo Kenya.
Dhamaan Ciidamadaan Sadexda waji ah waxay ku dhaqaajiyeen deegaanadaas si looga xoreyo Al- shabaab, wayna ku guuleysteen.
Howlgalka shacabka:- Gudi loo xilsaarey iney ka shaqeeyaan u diyaarinta Maamul ay Goboladaan yeeshaan ayaa loo xilsaarey inay ka shaqeeyaan howlahaas inta ay ciidamaduna howlgalkooda wataan, waxaana Nairobi ka bilowdey shirwayne, kasoo hada gabagabo ah ku dhow.
Hadaba Khariirada loo sameeyey jubooyinka ayaa waxaa iska kaashadey dhowr maskaxood oo labo ujeedo kala lahaa.
Maskaxda kowaad oo ahayd Dad kasoo jeeda deegaanka kuwasoo ujeedadoodu ahayd in mar uun Goboladaas ay helaan nabad waarta iyo maskaxda labaad oo ahayd Dowlada Kenya oo iyana raadinayay si ay kaga badbaadaan amaan xumada Al-shabaab oo saameysey Kenya.
Iskaashigaas ayaa dhaliyey in Gobolada hada loogu yeero Jubooyinka ay helaan hab iyo dhisme maamul oo loo dhan yahay, waana mid ay soo dhaweeyeen shacabka gudaha oo iyagu ah kuwa dhibka badan tabanayay.
Warbixinta xuquuqdeeda waxaa iska leh Warbaahinta Puntlandi.com, waxaan mahad gaara siineynaa dadkii ka qaybqaatey soo ururinta macluumaadka warbixintu ka kooban tahay.
Source: Puntlandi.com













