Shir ka dhacay Muqdisho oo lagu canbaareeyay Siyaasadda Dawladda
(Kn): Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Jubbooyinka, Siyaasiyiin mug iyo miisaan culus ku leh bulshada, aqoonyahanno iyo Odayaal dhaqameed ayaa maanta isugu yimid shir lagu jeexjeexayay aayaha gobolada Jubbooyinka.
Shirkan oo arimo badan oo xasaasiya looga dooday ayaa gabogabadii wuxuu shirku dhaleeceyn dusha ooga tuuray siyaasadda hogaanka qaranka Soomaaliyeed ee ku waajahan xoraynta gobolada Jubbooyinka iyo maamul u samayntooda.
Qodabadii ugu doorka roonaa ee ka soo baxay shirka ayaa waxaa kamid ahaa;
- In shirku canbaareeyey farogalinta qaawan ee dawladdu ku hayso arimaha xoraynta iyo maamul u samaynta Jubbooyinka
- In looga digay dadka ku hawlan hurinta colaad ka dhacda goboladaas, looguna baaqay inay ka waantoobaan
- In loogu baaqay shacabka ku dhaqan Jubbooyinku inay gacmaha iska qabsadaan sugista amaanka, kuna dadaalaan walaalnimada iyo wadanoolaanshaha
- In loogu hanbalyeeyay ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISON ee ku hawlan xoraynta qaybaha haray ee Gobolka
- In loogu baaqay shacabka gobolada Jubbooyinka inay taageeraan ololaha maamul goboleedka loogu dhisayo ee ka socda Nairobi
Source: KismaayoNews.com













