Published On: 13 October 2012 8:39 pm

Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo Deeq Daawo oo ay ka heshay Hay’adda PERGIP ee dalka Italy u qaybisay Isbitaalada Gobalada, Degmooyinka iyo Kuwa Gaarka loo leeyahay (Warbixin Sawiro)

Posted by Pi on October 12th, 2012

Garowe:  Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa daawo deeq ah oo ay ka heshay Hay’adda Pergio ee dalka Italy waxay u qaybisay Isbitaalada guud ee Gobalada, Degmooyinka, Xarumaha lagu xanaaneeyo dadka dhimirka qaba iyo Isbitaalada gaarka isu maamula ee bulshada.

Deeqdan Daawadda ah oo dhamayd 4 tone waxaa ku deeqday hay’adda PERGIO oo fadhigeedu yahay wadanka Talyaaniga kana keentey daawadda wadanka Maraykanka. Xaflad balaaran oo Wasaaraddu deeqda daawadda ah kula wareegaysay isla markaasna Gobalada loogu qaybinayay ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland.

Wakiilka hay’adda PERGIOP Eng Xuseen Abuukar ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame waxa uu ku wareejiyey Daawadda, Wasiirka oo markii uu daawadda kal aweeWasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa hay’adda PERGIO uga mahadceliyey daawalada Kaalmada ah ee ay soo gaarsiisay Puntland, daawadan ayaa ah mid ka duwan daawooyinkii horey ay wasaaradda caafimaadku u heli jirtey sida uu wasiirku ka sheegay xafladii qaybinta iyo kala wareegista hay’adda PERGIO ee daawada keentey.

“Daawooyinka horey noogu imaan jirey tani way ka duwan tahay waayo waa daawo loogu talagalay cudurada inoogu daran maantey dalkeena ee bulshada haysta sida Sonkorta, Qalalka, Daawada xanuunada kaadihaysta ku dhaca iyo kuwo la mid ah” ayuu yiri Wasiirku.

Prof. Maxamed Jaamac Salaad oo ka mid ah dhakhaatiirta ugu caansan dalka Soomaaliya oo isagu qayb libaax leh ka qaadey in daawadan ay dalka timaado ayaa sheegay in daawadan tahay mid tayadeedu sarayso oo ka timid Maraykanka ayna ku deeqeen Hay’addo, waxa uu mahadnaq balaaran u jeediyey hay’adda PERGIO Agaasimaheeda guud oo aqbalay codsiyadii Wasaaradda caafimaadka iyo dhakhaatiirta Puntland.

Prof. Maxamed Jaamac Salaad waxa uu sheegay in daawadan loogu deeqay Isbitaalka guud ee Gobalada Mudug balse ay goosteen inay Wasaaradda Caafimaadka daawada ku wareejiyaan si Isbitaalada wadanka loogu wada qaybiyo maadaama uu dhakhtarku sheegay in Wasaaraddu ay tahay mida awooda ugu sareysa ee daawo qaybinta leh dalkuna uu wada leeyahay sida dhakhtarku sheegay wixii deeq ah ee yimaada loona waago si wadajir ah.

 

Daawadan ay ku deeqday hay’adda PERGIO waxaa wasiirka caafimaadka ku wareejiyey wakiilka hay’adda PERGIO ee Puntland Eng. Xuseen Abuukar, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in hay’adda uu wakiilka ka yahay ay daawo 4 tone ah oo tayo badan leh ay ku wareejiso wasaaradda caafimaadka Puntland, Eng. Xuseen Abuukar waxa kale oo uu balan qaadey inuu qaadayo codsiyada Wasaaradda caafimaadka ay hay’adda uu wakiilka u yahay kaga codsanayaan daawooyinka joogteynteeda inuu gaarsiinayo xafiisyada hay’adda uuna rajo wayn yahay in deeqaha daawadu aysan ka istaagi doonin Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxa uu sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay daawada u qaybinayso dhamaan Isbitaalada muhiimada koowaadna ay leeyihiin Isbitaalada guud, Wasaaradda Caafimaadku qaybta daawadda waxay ku dartey Isbitaalka guud ee Laascaanood iyadoo la xasuusan yahay in Laascaanood aysan gacanta dowladda Puntland ugu jirin oo Somaliland haysato hadana Wasaaradda Caafimaadka Masuuliyiinteedu waxay sheegeen in dadka iyo deegaanku ay Puntlanders yihiin baahina ay u qabaan inay daawo helaan sidaasna qaybta wax looga siiyey Isbitaalka Laascaanood, Wasaaraddu waxay sidoo kale daawadda wax ka siisay Isbitaaladda Gaarka loo leeyahay sida Puntland Hospital oo Boosaaso ku yaal, Cartan Hospital oo Garowe ku yaal, GMC iyo Norway oo iyana Gaalkacyo ku yaala.

Sidan ayayna Wasaarada Caafimaadku Gobalada ugu qoondeysay Daawadda

Gobalka Nugaal:
Isbitaalka guud ee Garowe, Isbitaalka Guud ee Degmada EYL, Isbitaalka guud ee Degmada Buurtinle, Xarunta Dhimirka ee Garowe iyo Isbitaalka Cartan ee Garowe.

Gobalka Bari
Isbitaalka guud ee Bandarqaasim Boosaaso, Xarunta Dhimirka ee Boosaaso

Gobalka Karkaar
Isbitaalka guud ee Qardho

Gobalka Sanaag
Isbitaalka guud ee Dhahar
Gobalka Sool Isbitaalka guud ee Laascaanood

Gobalka Cayn
Isbitaalka guud ee Degmada Buuhoodle

Gobalka Mudug
Isbitaalka guud ee Gaalkacyo, Isbitaalka guud ee Degmada Goldogob, Isbitaalka GMC (Dhagacadde), Isbitaalka Norway iyo Xarunta Dhimirka ee Gaalkacyo.

Wasaaradda Caafimaadka Dowadda Puntland waxay sheegtey inay si cadaalad ah mar walba ugu qaybinayso Isbitaalada Gobalada Puntland wixii deeq ah oo yimaada uuna xil ka saaran Wasaaradda Caafimaadka inay hubiso in daawaddu gaarto Isbitaalkasta iyo Xarun kasta oo la siiyey, waxay kaloo Wasaaradda Caafimaadku sheegtey in daawaddu tahay lacag la’aan iyadoo Wasaaraddu ka codsatey Isbitaalada inay daawadda dadka u baahan siiyaan si deg deg ah maadaama baahi weyn loo qabo.

 Sawirada hoos ka daawo

Midig Wasiir ku xigeenka Beeraha Eng. Cabdi Jaamac Geesood iyo Wasiiru dowlaha Deegaanka iyo Duurjoogta Saleebaan Dhoodi oo qaybtii Degmada Goldogob

Prof. Maxamed Jaamac oo ka hadlayay xaflada daawada waa dhinacyada ka taagan wasiirka caafimaadka Dr. Cali iyo Wasiiru dowlaha Deegaanka Saleebaan D

Qardho

Qaybtii Bosaso

Qaybtii Gaalkacyo

Qaybta buuhoodle

Qaybta Badhan

Qaybta Laascaanood


Qaar ka mid ah Isuduwayaasha iyo Agaasimayaasha Gobalada iyo Isbitaalada


Qaar ka mid ah Isuduwayaasha iyo Madaxda Wasaaradda Caafimaadka

Wakiilka Hayadda  PERIGEO Eng Xuseen Abukar

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali oo Daawadda kala wareegaya Wakiilka Hay’adda Eng. Xuseen Abuukar

Source: Puntlandi.com