Ilihii dhaqaalaha ee Kismaayo oo dib u hawlgalay
(Kn October 13, 2012)
ekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa maamulka ku meelgaarka ah uu dib u hawlgalay.
Doontii u horaysay oo shixnad sidda ayaa ku soo xiratay dekkedda, halka garoonka diyaaradaha markii oodda laga qaaday ay ka soo dageen dhawr diyaaradood oo ay kamid ahayd diyaarad qaad ka soo qaaday dalka Kenya.
Nolosha magaalada ayaa caadi ku soo noqotay, ganacsiga iyo isu socodka xaafadahana waa sidii la doonayay. Nabadgaliyada ayaa u muuqata mid la isku halayn karo oo aad u saraysa marka loo eego maalmihii ugu horeeyay ee ciidamada Huwantu soo galeen magaalada, mana jiraan wax qaraxyo ah oo dhacay maalmahan, dad la khaarajiyayna warkoodaba daa.
Ciidamada Huwanta ayaa wali ku mashquulsan sugista nabadgaliyada iyo xasilinta amaanka, walina waxaa jira baadigoob ay ku hayaan miinooyinka iyo waliba hadii uu jiro wax hub ah oo Alshabaab ay ku dhex duugteen magaalada iyo daafaheeda.
Shacabka magaalada oo irdhadii ka ba’day ayaa lagu soo waramayaa inay bilaabeen inay ciidamada huwanta ku hagaan baraha ay Alshabaab ku duugteen qalabka iyo siraha, waxaana la warinayaa in ugu yaraan hal god oo hub iyo walxaha qarxa ay ugu kaydsanaayeen Alshabaab la soo faagay kadib markii qaar kamid ah shacabka magaaladu tusiyeen ciidamada Huwanta.
Source: KismaayoNews.com












