Kismaayo oo marti galinaysa shirka Jubbaland State
Magaale xeebeedka Kismaayo ayaa isu diyaarinaysa inay marti galiso shirka lagu unkayo maamul goboleed ay yeeshaan gobolada sii koonfureed ee Gedo iyo labada Jubba.
Shirkan lagu dhisayo maamulka Jubbooyinka oo hadda ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la isku afgartay in loo wareejiyo magaalada Kismaayo si loogu dhamaystiro qayba dhiman.
Gudi ka socda dawlad goboleedka IGAD ayaa la filayaa inay ka dagaan Kismaayo si ay u soo qiimeeyaan xaaladda amaan ee magaalada iyo waliba goobaha ku haboon in lagu qabto shirka, markaasi ka bacdina la wareejiyo dhamaystirka shirka.
Waxaa Nairobi lagu dhamaystiray qaybo badan oo muhiim ah, sida dastuurka uu ku dhaqmayo maamul goboleedka Jubba Land State, caasimadda, tirada baarlamaanka, sumadda calanka, qaabka ay ku imaanayaan wakiilada, golaha guurtida iyo tirada ergooyinka soo dooranaya madaxweynaha maamul goboleedka.
Hadaba, qaybta ugu danbaysa ee doorashada madaxweynaha iyo waxyaalo kale oo yaryar ayaa la filayaa in lagu dhameeyo magaalada Kismaayo. Maamulka cusub wuxuu markaasi xilka kala wareegi doonaa maamulka ku meel gaarka ah ee hadda ka ariminaya magaalada Kismaayo.
Source: Kismaayonews.com












