Booqashada IGAD ee Kismaayo: Barbilowgii Maamulka Jubbaland
Wefti kasocda urur goboleedka IGAD ayaa maanta gaadahay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbbada Hoose. Weftigani waxay hore usoo booqdeen Maalinnimadii shalay [16/10/12] caasimadda Soomaaliya ee Xamar, iyagoo kala xaajooday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida waddanka guud ahaan nabad loogu soo dabbaali lahaa iyo sida maamulka waddanka loo baahin lahaa, soomaaliyana ay unoqon lahayd meel xassiloon oo adduunku la macaamili karo.
Waxa kaloo shalay Madaxda IGAD iyo Madaxweynuhu isla falanqeeyeen bal sida ugu habboon ee maamul loogu samaynkaro meelaha laga saaray gacanta Al-Shabaabka. Gaar ahaan waxay ka wada hadleen xaaladda gobollada Jubbooyinka iyo khaasatan magaalada Kismaayo.
Haddaba booqashadan maanta madaxda IGAD ee magaalada Kismaayo ayaa sidaannu warka ku helnay wuxuu ku salaysan yahay sidii loo dardar gelin lahaa maamulka kumeel-gaadhka ah amnigana loo sugu lahaa si ay usuuto gasho in dhowaan lagu qabto magaalada Kismaayo shir lagu yagleeli rabo maamul daweynaha gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. Shirkaasoo biloowgisii lagusoo turxaan bixiyey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulankani waxaa kaloo uweheliya Madaxda IGAD inay ukuur galaan xaaladda amni iyo dhaqaale ee magaalada Kismaayo, iyo in qiimayn lagu sameeyo baahiyaha aasaasiga ah ee degdegga loogu baahan yahay in laga fuliyo gobolka, si wax looga qabto oo looguna gurmado dadka muddada kuhoosnoolaa xukunkii xakamaysnaa ee Al-shabaab.
Isku soo wada duuboo waxa muuqata inay Kismaayo ka baxday wacyigii xaqdarada jabhaduhu kuhaysan jireen, loona gudbay waqtigii dadkii iska lahaa degaannadaasi ay gacanta kudhigi lahaayeen talada iyo maamulka gobolladooda. Arrintan maamul usamaynta Jubbooyinka iyo Gedo ayaa muhiimad uleh dadka degaanka, Soomaalida guud ahaan iyo weliba waddamada deriska. Waxana muuqata in imminka waddamada deriska iyo dadka degaanku ay si kalsooni kujirto uga wada shaqaynayaan sidii xaslilooniyi uga dhici lahayn Dhulweynaha Jubbaland.
Waxaa jira oo in la xuso mudan muxuu noqonayaa doorka ay dawladda cusbi qaadan doontaa? Ma wuxuu noqonayaa inay ku taageerto dadaalka dadka degaanka Jubbooyinka iyo dawladaha deriska oo wada jirkoodu suurto geliyey in Al-Shabaab laga saaro jubbooyinka. Mise waxay noqonaysaa madaxweyne Xasan inuu raaco waddadii Madaxweyne Cabdi Qaasim ee ahayd in Jubbooyinka lagu taageero in dad aan udhalani dulmi iyo jujuub ku qabsadaan dadkii degaanka lahaana taladii lagala wareego lagana qixiyo guryahoodii iyo hantidoodii?
“Warjiraaba cakaaruu iman” ama “Alloow aan waaga waraabe cunin”
Editor: Taleex Media












