Published On: 17 October 2012 2:33 pm

Mudaneyaasha Baarlamanka Oo Cod Aqlabiyad Leh Ku Ansaxiyay R/wasaaraha

Mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen cod aqlabiyad leh ku ansaxiyay R/wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Kulanka ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadiray 215 mudane waxaana shir gudoominayay guddoomiyaha baarlamanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha.

Shirka maanta lagu ansaxiyay R/wasaaraha ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyay afhayeenka Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan waxa uuna ugu baaqay xildhibaanada in cod aqlabiyad leh ay ku ansaxiyaan R/wasaaraha si loo gudo galo howlah harsan.

Sidoo kale waxaa xarunta golaha shacabka oo aheyd goobta uu ka socday shirka hadal ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Prof  Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna tibaaxay in baarlamanka looga baahanyahay in ay cod mideysan ay siiyaan R/wasaaraha cusub.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaana intasi kadib waxa ay dhageesteen Khudbada R/Wasaaraha uu soo jeediyay waxa uuna inta badan R/Wasaaraha ka hadlay waxqabadkiisa hadii ay codka kalsoonida siiyaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudaneyaasha baarlamanka ee maanta ka qeyb galay kulanka ayaa si buuxda cod gacan taag ah ku ansaxiyay R/wasaaraha mana jirin cid ka aamustay ama diiday.

Guddoomiyaha baarlamanka ayaa tilmaamay in R/wasaaraha uu yahay mid sharci ah waxaana isla goobta lagu dhaariyay R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Dhowaan ayey aheyd markii baarlamanka Soomaaliya ay codsadeen in mudo labo maalin gudahood ah R/wasaaraha la horkeeno xildhibaanada si ay u ansaxiyaan.

 

Source: Radio Muqdisho