Published On: 18 October 2012 12:13 pm

“Kismaayo iyo Gaarrisa waa laysku xidhayaa, Puntlandna booqashaan ku tegayaa iyo Kismaayoba” (Duqa Gaarrisa Daawo)

Duqa magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari ee Soomaaliya mudane Axmed Cumar ayaa dhowaan waraysi siiyey Telefishanka Universal qaybtiisa Maraykanka isagoo ku sugan Magaalada Minnesota  e carriga Maraykanka. Waraysigan oo qiimo badan waxuu kaga war bixiyey Mayorku wixiiii uqabsoomay muddaduu xilka hayey iyo wuxuu higsanayo.

Wuxuu kaloo ka hadlayaa is beddelka ku dhacay dadka Soomaaliyeed ee reer Kenya. Intaa wuxuu raaciyey in dhowaan waddo laami ah  iyo wado tareen oo kasoo bilaabanta dekedda Laamu ay soo dhexmari doonto Gaarisa, Wajeer, Mandheer halkaana ay ka geli doonto Itoobia. Sdoo kale wuxuu sheegay in waddo kale laga bilaabayo Gaarrisa toosna loogu xidhi doono Kismaayo.

Haddaba waraysigaasoo dhammaystiran hoos ka daawo.

Halkan Riix  The Mayor of Gaarissa county

Taleex Media