DHiilo Welfare and Education Foundation of Somalia: Reer Boocame oo u Jeestay Dhanka Tacliinta.
Qurba Joogta Reer Boocame ayaa guulo la taaban karo ka gaadhay Shir ay lahaayeen Axadii la soo dhaafay. Kulankaas oo diiradda lagu saarayey Waxbarashada Boocame ayaa lagu gaadhay qorshayaal muhiim ah, sidoo kalena loogu ururiyey deeqdii ugu badnayd ee iskuulada Boocame loo ururiyo.
Waxaana qorshan cusub hormuud ka ahaa aqoonyahan Maxamed Faarax Maxamuud (Dhiilo Casar) iyo aqoonyahano kale oo ka soo jeeda Boocame.
Arintan ayaa waxaa si gaar ah oo xusid mudan isaga saaray aqoonyahan Maxamed Faarax Maxamuud Dhiilo-Casar. Aqoonyahankan ayaa u sameeyey Iskuulada Boocame hay’ad caawisa isagoo sheegay inay hay’adu tahay mid sadaqo ugu deeqaysa waxbarashada Deegaanka.
Hay’addan oo uu ugu magacdaray Aabihiis Faarax Maxamud Saleebaan Dhiil-Casar ayuu wuxuu u bixiyey DHIILO WELFARE AND EDUCATION FOUNDATION OF SOMALIA.
Faarax Maxamuud Saleebaan oo la odhanjiray Dhiilo Casar Waxa uu ka mid ah halyeyada Soomaaliyeed oo u soo halgamay waddaniyada Soomaaliya isagoo Dhiilo Cassar lagu xasuusto oo lagu yiqiinay inuu ka mid ahaa saraakiishii Soomaaliyeed ee waddaniyada lahaa uuna ku caanbaxay wadaninimadiisa ka dib markuu ka hortagay kala go’ Soomaaliya xilliyadii 1961-1962, xilligaas oo dadka qaar u yaqaanaan (inqilaabkii Xassan Keyd).
Hay’adda DHIILO WELFARE AND EDUCATION FOUNDATION OF SOMALIA ayuu sheegay inuu Maxamed bil walba bixin doonto $1.000. 12ka biloodna ay noqondoonto $12.000 kun oo doolar.Wuxuuna waliba sanadkan Maxamed Faarax sheegay inuu bixiyey oo kudaray lacago dheeraad ah oo ah ugu yaraan $3.000.
Maxamed Faarax wuxuu kaloo sheegay inay jaaliyada Reer Torono ku dareen dhawrkun oo doolar taasoo uu xaqiijiyey inay iyadana hada ku jirto koontada hay’adda DHIILO WELFARE AND EDUCATION FOUNDATION OF SOMALIA.
Arintan ayaa waxay noqotay mid yididiilo unoqotay qurba jooggta Boocame ee kasoo qayb galay shirkaasi ,waxayna noqotay arin dhiiri galin galisay dad badan oo horay uga caajisay waxbarashada, taasoo markii danbe lagu dhiiraday inay dad badani ku yaboohaan deeqo badan, waxaana shirkii looga duceeyey Maxamed Faarax Dhiilo Casar iyo sidoo kale aabihiis Faarah Mahamuud Saleebaan,Dhiilo Casar.
Waxaana isla kulankii laga soo dhexjeediyey in magaca dugsiga sare ee Boocame loo bixiyo Faarax Maxamuud Saleebaan (Dhiilo-Casar),si loogu xasuusto Faarax Maxamuud Saleebaan maadama uu ahaa halyey Soomaaliyeed oo midnimada iyo wadaniyada umadda Soomaaliyeed door wayn ka soo qaatay, arintaasoo aad loosoo dhaweeyey kolkii danbana la isku raacay.
Sidoo kale mas’uuliyiin iyo aqoonyahanada Reer Boocame ayaa ku tilmaamay inay tahay abaal marin maadama uu walaalkeen ina dhiiri galiyey oo waxbarashada Deegaankii Boocame hay’ad u sameeyey door fiican ka qaadan doonta waxbarashada deegaanka.
Maaha markii ugu horreysay ee loo bixiyo masuuliyiinta halyeyada ah iskuulaadka Boocame, waxaana hadda ka hor loo bixiyey Dugsiga Hoose Dhexe ee Boocame halyeygii Caanka ahaa Daraawiishtii oo ka soo jeeda Deegaanka ,kaasoo la odhanjiray Awcabdulle-Ibraahin Boocame.
DEEQBIXIYAYAASHII XUSIDA GAARKA AH MUDNAA EE JAALIYADA QURBA JOOGTA DEGMADA BOOCAME OO AAN KA AHAYN MAXAMED FAARAX.
Waxaa iyaguna xusid gaar ah mudan aqoonyahanadii doorka waxbarashada sanadkan wacdaraha ka muujiyey kuwaasoo una ololaynayey door wanaagana ka qaatay deeqaha Waxbarashada kor loogu qaadayo.
1-Xuseen Aadan Faarax $1.000 USA Bostan.
2-Xuseen Cismaan Lugatoor $1.000 Italy
3-maxamud Xasan Cabdi Faragod $1.000 Uk
4-Caaqil abdiraxamaan Caynab Faarax Midhaaf $1.000USA California.
5-Dr.Aadan Jaamac Muuse Dhagaweyne $1.000 Italy.
6-Mubaarag Axmed Sahal Shire $1.000 Canada Toronto.
7-Inj.Aadan Jaamac Dhagcas $1.000 USA Ohio.
8- C/Raxamaan Ciise Xamari $1.000Toronto.
Totall guud = 8.000$.
waxaa Xusid Mudan Ganacsato ay ka midyihiin Ganacsatada Africa oo lixda ah oo ku yaboohay deeqo . Deeqbixiyayaasha ayaa waxaa ugu deeqeen midkiiba bixiyey$ 2.000 isugeyni waa $12.000.
Waxaana ka mid ahaa.
a.Dr.Cabdirashiid Faarax Yuusuf Dacar 2.000
b.Cabdiweli Faarax Yuusuf Dacar $2.000
c.Mursal Yuusuf aw Muuse $2.000$
d.Cadul Muuse Jaamac Cawlu $2.000
e.Cabdi daahir Muuse Jaamac Cawlu $2.000
f.Cabdi casiis Muuse Jaamac Cawlu &2.000
Totlalka ay ganacsatadani bixisay ayaa ah 12.0000 kun oo doolar.
Waxaa Xusid Mudan jaaliyadaha Qurba joogta khaasatan Waqooyi America ayaa iyagu si wanaasan uga soo qayb galay Shirka khaasatan Canada,Bostan,Ohio, MN, iyo Jaaliyadaha yurub qaybo ka mid ah inkastoo aanay badnayn waxaana ka mid ahaa Uk,Switzer,Italy.iyadoo shirka looga baaqay inay qorshaha horumarka iyo waxbarashada Deegaanka qayb ka qaataan Jaaliyaduhu.
Waxaa kaloo Xusid Mudan in Deeqbixiyaasha Dhaqaalahoodu ka yaraa 500-200 inay iyaguna ahaayeen kuwa badan oo xuid mudan hasa ahaatee aan u dooranay xillan masuuliyiinta sare ku xusan.
Shirkan ayaa ahaa kii ugu horreeyey oo dhaqaalo intaas le-eg oo waxbarasho loogu yabooho.
Aqoonayahn Maxamed Faarax Dhiilo Casar ayaa isaguna noqonaya aqoonyahankii ugu horeeyey ee Deegaanada SSC ugu deeqaya sanadwalba 12.000 kun oo dolar,una sameeyey hay ad gaar.
Shirka ayaa ugu danabyntii waxaa lagu sameeyey guddi ka shaqaysa Baahiyaha Waxbarashada iyo Ururinta Deeqaha lagu yaboohay sidoo kale la shaqaysa Hay-adda DHIILO WELFARE AND EDUCATION FOUNDATION OF SOMALIA.
Gudiga ayaa waxaa ka mid ahaa :
1-Maxamed Faarax Maxamud saleebaan(Dhiilo Casar) Toronto.
2.Xuseen Aadan Faarax Boston,Usa.
3.Cabdiraxamaan Caynab faarax miraaf USA,california.
4.Feysal Diiriye Cismaan USA MN.
5.Sheekh Maxamud Xasan Cabdi Faragod UK .
6.Xuseen Cismaan Lugatoor Gebiley ITALY.
7. Marwo Siciido Jaamac Nuur .USA. MN.
Taleex Media guul iyo gobanimo ayay u rajeynaysaa Reer Boocame.
Editor, Taleex Media.














guuul reer boocame ıyo dhamaan khaatumo state dadka ah meel walba ay joogan waxan leenahay guul ıyo gobonımo wana kacayan dadka kale ee rer khaatumo