Published On: 19 October 2012 1:28 pm

Odey Dhaqmeed lagu Dilay Caawa Magaalada Kismaayo

Wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in goordhaw oo caawa Fiidkii ah lagu dilay Magaalada Kismaayo Nabdoon caan ka ahaa Magaaladasi.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in dabley hubaysan oo aan heebtooda la garanaynin ay ku dileen mid kamid ah Xaafadaha Magaalada Kismaayo sida uu ku waramay goob jooge kusugan halka uu dilku ka dhacay.

Nabadoonka ayaa mgaaciisa lagu sheegay Xasan Sheekh ,waxaan lagu dilay afaafka gurigiisa oo kuyaala Via Afmadow ee Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Huwanta ah ayaa markiiba Goobta soo Gaadhay Baadhitaana ka wada xaafada uu dilku ka dhacay ayadoo sida la shegay ay ka baxsadeen goobta kooxdii dilka geystay .

Source: dhanaan.com