Published On: 20 October 2012 5:51 pm

Amin Arts iyo Aragtida Amminta : Kursigii Madaxweynaha oo la fanaystay!

Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amin Caammir oo aragtidiisa kusoo bandhiga Farshaxan ayaa maanta kusoo qaatay kursigii Madaxweynaha oo la fanaystay (Ereyga fanaysiga waxaa la yidhaahdaa marka laba qof ay wada fuulaan faraska). Arrintani waxay ka turjumaysaa aragti beryahanba shacbiga Soomaaliyeed iyo weliba qaar ka midah warbaahinta Caalamku ay hadal hayeen oo ah in Madaxweynuhii qaranka Soomaaliyeed loo doortay uu gacanta ugalay koox diimeed gaar ah (Religious Interest Group), waa kooxda la yidhaahdo Al-Dam Jadiid oo la sheegay inuu madaxweynuhu ka tirsan yahay.

Kooxdani sida la sheegay waa kooxda sheeganaysa inay iyagu yihiin kooxdii suurto gelisay in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu hanto talada qaranka Soomaaliyeed, ama haddaynu si kale unidhaahno sida gobollada Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) looga yaqaan leh “kaadidayadaannu usoo cabney”.  Sidaa daraddeed waxay ku andacoonayaan inay xaq uleeyihiin inay hagaan Madaxweynaha taladana majaraha uqabtaan. Kooxdan waxa budhtuure/Bahala-dile u ah ninka la yidhaahdo Faarax Cabdulqaaddir waa ninka Amin Caammir sawirka ku muujiyey isagoo kursigii la fanaysanaya Madaxweynaha. Ninkan waxa imminka meelo badan looga yaqaan Shariif Sakiin-kii labaad.

Sawiradan hoose ee la qaaday safarkii Madaxweynuhu ku tegey Uganda waxaad arkaysaa ninka loogu magacdaray Sakiinka labaad oo ku lammaan Madaxweynaha.