Published On: 23 October 2012 2:52 pm

Xubnihii Gudiga maamul usameynta Jubooyinka iyo Gedo oo saaka u ambabaxay Muqdisho(warbixin)

Xubnihii gudiga farsamada maamul usameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Muqdisho.Guddigan oo markii hore tiradoodu ahayd 25 xubnood ayaa laga soo reebay 9 xubnood kadib markii uu arintaas soo codsaday madaxweynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud.Sagaalkan xubnood waxay matalayaan dhamaan beelaha dega gobolada Jubooyinka iyo Gedo waxayna iyagoo ku hadlaya magaca dadka deegaanka  shir wadaxaajood ah Villa Somalia  kula geli doonaan madaxweynaha DF.

Xubnaha gudiga farsamada ee saaka usafray Muqdisho waxaa kamida  Awlibaax, Mukhtaar Dheere, C/casiis Maxamuud iyo 6 xubnooda oo kala matalaya beelaha Gaaljecel,Cawrmala,Biyamaal,Baajuun iyo Ajuuraan.

Marka uu soo idlaado kulanka wafdiga iyo madaxweynaha waxay xubnuhu dib ugu soo laaban doonaan magaalada Nairobi kadibna la isu diyaarin doonaa sidii ergada shirweynaha loogu daad gureen lahaa magaalada Kismaayo.

Wixii war ah oo kasoo baxa kulanka madaxweynaha DF iyo xunaha gudiga farsamada ee maamul usameeynta Jubooyinka kala soco warrkaanaga dambe inshaa Allah.

 

 

Source: Dhanaan.com