Published On: 26 October 2012 6:57 am

Ciid Mubaarak: Waa Maamulka iyo Shaqaaaha Taeex Media oo idin Leh CiidWanaagsan.

Annanagoo ku bilaabeyna magaca Illaahey kuna sallineyna Rasuulkeena suuban nabadgelyo iyo naxariisiba korkiisa ha ahaatee, waxaa mahad oodhan iska leh Illaaheena awooda weyn leh ee markale noo saamaxey haddaanu nahay bahda Taleex Media inaanu dhamaanba ummada muslimiinta ah, gaar ahaan akhristayaashayada qaaliga ah halkan uga soo tebino hambalyada munaasaba Ciidul Adxaga, waxaana idin leenahay Ciid Wanaagsan iyo Caafimaad Kuwada Ciida Dhamaantiinba,Kulo Caam Wa Antum Bi Kheyr.

Soomaaliyana waxaan Eebbe uga baryeynaa inuu nabad waarta ka dhaliyo, dunidoo dhana waxaan u rajeyneynaa nabad iyo barwaaqo waarta.

Waxaan kaloo halkan duco uga direynaa, dembi dhaafna Illaahey uga baryeynaa Alle ha naxariistee Sayyid Maxamed Cali Cilmi Ciid oo horaantii bishii barakeysneyd ee Ramadan ku geeriyoodey shil gaadhi. Illaahey waxaan uga baryeynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo. Aamiin, Aamiin, Aamiin.

    • الله أكبر الله  أكبر، لا أله إلا الله، والله أكبر الله أكبر، ولله الحمد
    • الله أكبر الله أكبر الله أكبر، لا إله إلا الله، والله أكبر الله أكبر، ولله الحمد
    • الله أكبر الله  أكبر، ولله الحمد، الله أكبر وأجل، الله أكبر على ما هدانا

Editor: Taleex Media