Published On: 27 October 2012 6:35 pm

Qurbojoog dano siyaasadeed lihi umaddan uma talin karaan (Doolaal Waraysi)

Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa warysi qiimo badan oo taariikh iyo xograsmi ah xambaarsan. Waraysigaasi waxaa lala yeeshay Mudane Ibraahim Aadan Doolaal oo kasoo jeeda Dawlad degaanka Soomaalida ee Ethiopia. Mudane doolaal wuxuu ka tirsanan jirey Baarlamaankii ugu horreeyey ee ay yeelato Dawlad degaanka Soomaalidu. Doolaal wuxuu kaloo ahaan jirey Madaxa Caddaaladda iyo Nabadgelyada ee Dawlad degaanka Soomaalida.

Mudane Doolaal wuxuu ka xogwarramayaa ururka ONLF iyo marxaladahay soo martay khaasatan muddadii isbeddelka ee dawladda cusub ee imminka talada haysaa ee EPRDF. Wuxuu Doolaal ka warramayaa inuu Meles Zenawi ahaa nin rabey nabad iyo xasillooni ka dhalata dhulka Soomaalida Ethiopia. Wuxuu kaloo ku talinayaa in danta dadka Soomaalida ee Ethiopia ay ku jirto inay wax la qabsadaan dawladda Ethiopia, wuxuu kaloo xusay inay hadday rabaan inay go’aan qawmiyadda Soomaalidu inay tahay arrin dastuuriyan ah ayna ula siman yihiin qawmiyadaha kale ee kunool Ethiopia xaqoodaana aanay jirin cid ka hor istaagi kartaa. Wuxuu kaloo ka warramayaa in Ethiopiyada maantu aanay ahayn tii shalayto ee Amxaaradu ku amarkutaaglayn jirtay.

 

Mudane Doolaal wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyey in madaxda ONLF-ta mucaaradka ah ay yihiin niman qurbo-joog ah oo aan war dhab ah uhaynin wacyiga dadku ku noolyahay. Wuxuu kaloo sheegay in dadka ay utalin karaan ama ka talin karaan dadka dhulka ku nooli.

Dhibaatadan qurbojoogta doonaya inay dan kugaadhaan dadka masaakiinta ah ee dhulka kunooli waa tan imminka haysaya Dadka degaanka SSC. Oo qolo qurbojoog ah u afduuban si ay ugu gaadhaan dano siyaasadeed oo shaksiyeed. Hoos ka daawo waraysigoo dhammaystiran

Halkan Riix Mudane Doolaal.

Editor. Taleex Media.