Deg Deg:Wadahadaladii udhaxeeyay gudigii farsamada ee Jubooyinka iyo madaxda DF oo lagu kala kacay(warbixin)
(October 26, 2012 ) Waxaa mudo afar maalmood ah magaalada Muqdisho kusugnaa xubnihii sagaalka ahaa ee gudiga farsamada Jubooyinka kuwaasoo ujeedada socdaalku ahaa sidii ay DF uga soo dhaadhicin lahaayeen dedaalkii dheeraa ee loo soo maray maamul usameeynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo iyo hada xaal meeshu uu marayo.
Waxaa soo baxday in Dowlada cusub ay daaha gadaashiisa ka waday qorshe ka dhan ah qorshihii maamul usameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee kasocday magaalada Nairobi iyadoo sameeysay xubno xildhibaano ah oo ka kooban sagaal xubnood kuwaas oo ay ugu magac dartay gudigii gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Kulankii ugu horeeyay ee dhexmaray gudiga iyo madaxda sare ee Dowladu wuxuu dhacay maalmo kahor waxaana kulankaas warbixin iyo halka ay wax marayaan ka jeediyay Gudigii Jubooyinka.Markii ay madaxdii Dowladu dhageeysteen warbixintii gudigii Jubooyinka ayaa gudigii lagu wargeliyay inuu jiro kulan kale oo la iskugu imaanayo kaasoo lagu soo bandhigi doono qorsha ay dowladu ka damacsantahay maamul usameeynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Hadaba muxuu noqday qorshihii Dowladu?
Maanta oo ay ku beegnayd xiligii la balamay ayaa shirkii la isugu yimid waxaana kulanka soo xaadiray sagaalkii xubnood ee gudiga farsamada ee Jubooyinka ee Nairobi kayimid iyo sadaxdii masuul ee ugu sareeysay dowlada oo ay weheliyaan 9 xubnood oo la sheegay ineey yihiin xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Jubooyinka iyo Gedo.Kulankii markii uu furmay ayay madaxdii dowladu miiska soo saareen qodobadan soo socda:-
1) in guud ahaan Dowlada looga dambeeyo arrimaha maamul usameeynta gobolada Juabooyinka iyo Gedo
2) in sagaalka xubnood ee gudiga farsamada ee kayimid Nairobi ay ku biiraan gudiga ay sameeysay dowladu
3) Inaysan suurtagal ahayn in xubnaha gudigii farsamada ee Jubooyinka ee Nairobi kayimid ay dib unoqdaan ilaa ay ka ogolaadaan qorshaha dowlada
Hadaba qodobaas maxay kaga jawaabeen xubnihii gudiga farsamada ee Jibooyinku?
Kadib markii ay xubnihii gudiga faramada ay dhageysteen hadalada aysan fileeynin ee kasoo yeeray madaxda sare ee Dowlada ayay waxay ku adkaysteen qodobadan soo socda:-
1) Inaysan ku biireeynin gudiga ay Dowladu soo sameysay
2)In jadwalkii safarakooda ay ku soconayaan oo ku eg maalinta sabtida ah(27/10/2010)
Sababta gudigu ay ugu adkeeysteen qodobadan ayay ku fasireen inay ubaahanyihiin wadatashi dheeraad ah oo ay arintan kala yeeshaan ergadii Jubooyinka ee ku sugnayd magaalada Nairobi.
Gebagabadii shirku muxuu noqday?
Dood dheer iyo ismariwaagii oo sii xoogeystay kadib, waxaa shirkii ka kacay sadaxdii masuul ee ugu sareysay Dowlada waxayna ku amreen sagaalkii xubnood ee dhanka dowlada kasocday inay lasii doodaan gudiga farsamada ee Jubooyinka kuna qanciyaan qorshaha Dowladu wadato.
Labadii gudi ee la iskatagay waxaa dhexmaray hadalo kulkulul oo qaarkood watay hanjabaad.Gunaanadkii shirka waxay labadii dhinac isku afgarteen in qaar kamida ah xubnihii gudigii Jubooyinka ay dib ugu noqdaan Nairobi inta kalena ay Xamar kunagaadaan.Waxaa kale oo la isku afagartay in 4 xubnood oo ka kooban labada dhinac ay go’aankan gaarsiiyaan sadaxda masuul ee ugu sareeysa Dowlada balse way suuroobi weyday in afartii xubnood ay la kulmaan sadaxdii masuul.
Isku soo duuboo kulamadii dhexmaray labada dhinac waa la isku mariwaayay ,waxaana bari laga warsugayaa talaabada xigta ay dowladu qaado iyadoo sida wararku nagu soo gaaray ay dhamaan xubnihii gudiga farsamada ee Jubooyinku ay bari safar uyihiin Nairobi.
Source: Dhanaan.com











raali ha la iga ahaado qorqqlkii hore nagaca ayaa iga qaldamay lakii hada ayaan idiin saxay waamagac hore