Published On: 30 October 2012 7:51 pm

Wafdi kasocda Hay’adaha Qaramada midoobay oo maanta booqday Kismaayo

Wafdi ka kooban Hay’adaha Qaramada midoobay oo uu horkacayo xafiiska UNPOS ee magaalada Nairobi ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.Wafdigan ayaa la sheegay inay ka koobnaayeen 20 xubnood oo ka kala socday hay’adaha qaramada midoobay.Ujeedada socdaalka wafdiga ee magaalada kismaayo ayaa lagu sheegay inay ahayd sahan,indha indhayn iyo ukuur gelida xaalada amni ee magaalada Kismaayo.Wafdigan ayaa waxaa magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxda maamulka KMG ee Kismaayo iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee kusugan magaalada,waxayna kulamo xogwareysi ah la yeesheen madaxada maamulka iyo saraakiisha AMISOM.

Waxay kormeer kusoo sameeyeen goobaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo.Waxaa socda qorshe lagu doonayo sidii hay’adaha samafalka ee qaramada midoobay ugu guuri lahaayeen magaalada Kismaayo.Socdaalka wafdigan maanta booqday Kismaayo ayaa qeyb ka ah qorshahaas.

Wafdiga ayaa markii ay booqashadii Kismaayo soo gebagabeeyeen uduulay magaalada Muqdisho.