make music movie
Published On: 8 June 2013 7:24 pm

Dhegeyso: Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Gen. Fartaag oo sitifatiran uga warramay dagaalkii Kismaayo

Generaal Fartaag ayaa ugu horrayn uga mahadceliyey ciidamada maamulka Jubaland oo soo afjaray dagaal laga soo abaabulay Xamar  sida uu sheegay. Madaxwyne Fartaag ayaa sheegay in dagaalkasi ay ka qaybqaateen kooxo Al-shabaab ah oo ay soo abaabushay Dawladda Federaalku oo tiradoodu gaadhayso ilaa 120. Wuxuu kaloo sheegay inay hayaan raggii ka tirsanaa Shabaabka ee dagaalka lagu qabtay iyo dhaawacii sidaa daraaddeedna saxaafadda loo soo bandhigayo si ay uarkaan oo waraysi uga qaadaan. Wuxuu kaloo Jananku sheegay in ninkii sheeganayey Wasiirka Difaaca ee xasaradda loogu soo diray Kismaayo ee muddo loo dulqaadanayey lagan waayey war si nabadgelyo ah magaalada uga bax dhib loogama baahnee inuu maanta isagoo caga cad ka cararay magaallada markii ciidamaddii Al-shabaabka ee uu soo abaabulay laga saaray magaalada.

Waraysigan  hoos ka dhegeyso.

http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/06/Madaxeyne-ku-xigeynka-maamulka-jubbaland-claahi-sh-ismaaciil-farataag-oo-ka-hadlaya-dagaaladii-kismaayo-ka-dhacay.mp3

Xigasho: K24.