Published On: 9 June 2013 5:00 pm

Dhegeyso: Madaxweyne xigeenka Puntland oo dagaalladii kismaayo ku eedeeyey Dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

Share in top social networks!

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa dib ugu soo laabtay magaala madaxda Puntland kadiib muddo bil ah oo uu ku maqnaa Gobollada Karkaar iyo Bari. Madaxweyne kuxigeenku wuxuu saxaafadda uga warramay natiijadii safarkiisa oo uu ku tilmaamay inuu guul kusoo dhammaday. Wuxuu sheegay inuu kulan laqaatay wax garad farabadan oo labadaa gobol kunool oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Puntland kulankaadaasina uu ahaa mid ay isku afgarteen waxyaalihii ay ka wada hadleen, isagoo siduu sheegay uga warramay marxaladda Puntland maanta ku jirto iyo waxa ay mustaqbalka higsanayso. Wuxuu kaloo Gen Cabdisamada sheegay inay wax garadkaa isla falalanqeeyeey in ay jiraan hagardaamooyin Puntland loo maleegayo iyo dad jecel inay khalkhal geliyaan sidaa daraaddeed loo baahanyahay in si wadajir ah looga hortago hagardaamooyinkaas.

General. Calishire wuxuu kaloo ka hadlay dagaalladii Kismaayo ka dhacay isagoo sheegay inuu ahaa dagaalkaasi dagaal nasiib darro ah eeddana dusha uga tuuray Dawladda Federaalka ah inay colaaddaasi iyagu ka danbeeyeen. Intaa wuxuu kudaray haddii aanay Dawladda Xamar habdhaqankeeda wax ka beddelin oo aanay ixtiraamin wixii lagu heshiiyey inay dawladda Puntland joojinayso wadashaqaynta kala dhexeysa Xamar iyo DFS.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

IMG_1386 IMG_1386 (1) IMG_1388 IMG_1393 IMG_1393 (1) IMG_1399 IMG_1402 IMG_1439 IMG_1441 IMG_1421

Share in top social networks!
Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. Mahomed says:

    salaan sare MAAMULKA webka anigoo ah Maxamed cabdi Ibraahim ahna Qoraaga webka xaysimo.com waxa maamulka webka ka codsanaaya in aysan xaysimo iyo taleex kala hadhine Aan sida aan xafiiska uga furay ee aan magiciisa Puntland Looga aqoonsaday Looga aqoonsado webkan taleex . Mahadsanidin Mohamed Abdi ibraahim

Switch to our mobile site