Tan iyo markii ay Taleex Media bilawday in ay baahiso codad iyo qoraalo xog hoose ah oo laga qabtay xubnaha la magac baxay G6 ee qabanqaabinayay shirka Khaatumo 2 ayaa waxaa shabakada soo gaadhay emailo iyo taleefano xambaarsan aflagaado iyo hanjabaad salka ku haya cabsi gelin.

Koox argagixiso  ah ayaa waxaa ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen tafatiraha  Taleex Media Maxamed Cali Cilmi iyagoo adeegsanaya taleefano  lambarkooda la qariyay.

Taftiraha Taleex Media Maxamed Cali Cilmi

Maxamed Cali oo ah saxafi ka diiwaan gashan dalka Kenya ayaa markiiba u gudbiyay ciidamada amaanka kuwaaso  gacanta ku soo dhigay ilaa shan taleefan oo markii hore nabaradoodu qarsoonaayn balse iyagoo kaashanaya shirkadaha isgaarsiinta dalka Kenya ayaa waxaa ay gacanta ku soo dhigeen lambaradii taleefanada iyagoo qaarkoodana xidhiidh la sameeyay.

Sida uu Taleex Media u sheegay sarkaalka baaritaankan waday ee u xilsaaran kana tirsan ciidamada dambi baarista ee loo yaqanao CID waxaa ay gacanta ku dhigeen mid ka mid raggii is qarinyaya ee taleefanka ka soo hanjabayay oo islahaa cidna ku ogaan mayso.

Taleex Media ayaa ogaatay in ninka la qabtay ay hayb sare wadaagaan mid ka mid ah xubnaha G6.

Emailo iyana baaritaan lagu sameeyay ayaa la ogaaday in ay dhamanatood ka soo baxeen xubno si dadban ula shaqaysta kooxda G6.

Taleefanada ay ciidamada dambi barista Kenya ogaadaan ayaa ka diiwaan gashay dalal  ku yaala Bariga Afrika iyo Yurub.

Mid ka mid ah taleefanada la ogaaday ayaa waxaa laga lee yahay dalka Tanzania halkas oo uu degan yahay xubin ka mid ah G6 oo lagu magacaabo Saleebaan Cabdi Madoobe balse lama caddeyn karo in uu taleefanka si toos ah ugu lug lee yahay Saleebaan.

Taleex Media waxaa ay u mahad celinaysa taageerayasha shabakada ee isa garab taagay ka dib weerarkan ay soo qaadene xubnaha G6.

Waxaana uu maamulka Taleex Media idiin caddeynayaa in shabakadu ku taagan tahay taageeradiina iyadoo aysan ilaawi doonin kaalintii mugga lahayd ee aad ka qaadateen difaacida xaqiiqda la doonayo in la qariyo.

Maamulka Taleex Media waxaa uu daboolka ka qaadayaa in ay kooxda G6 masuul ka tahay wixii dhibaato ah ee loo gaysto weriye Maxamed Cali Cilmi isla markaana lagula xisaabtamayo odayaasha lixda ah ee kala ah:

Dr Cali Khaliif Galaydh  =     USA
Dr Cali Ciise Cabdi         =     Ethiopia
Saleebaan Cabdi Ducaale =  Tanzania
Maxamed Buraale Faarax     Ethiopia
Jaamac  Abshir Xasan       =  Canada
Maxamed Siciid Cumar     = Ethiopia

Odyaashaasi waxa ay qaadayaan masuuliyada wixii wax yeela ah ee soo gaadha weriye Maxamed Cali Cilmi madama koox sheegatay in ay u adeegayaan odyaashaasi ay si badheedh ah u soo bartilmaameedsadeen.

Isku day katsa oo la doonayo in lagu wiiqo shabakada Taleex Media uma istaagi doonto.

Maamulka Taleex Media
email: info@taleex.net