Ka dib markii ay caddaatay in kooxda Khaatumo Seeg isu bedeshay argagaxiso isla markaana ay bilaabeen dagaal la mid ah kan lagu yiqiinay kooxda Al Shabaab ee u gaarsiga saxafada madaxa banaan ayaa waxa ay shabakada Taleex Media go’aansatay in ay banaanka soo dhigto dhamaan tabaha qarsoon iyo xiririka ka dhaxeeya Al Shabaab iyo Khaatumo.

Muddo todobaad ah waxa ay shabakadu daaha ka roggotay shaqsiyada caadaqaate Axmed Karaash oo hada noqday “double agent” laba shaadhle.

Shabakadu waxaa ay shaaca ka qaaday kulankii dhawaan Dooxada Nugaal uu kula qaatay kooxda Al Shabaab iyo qorshihii la doonayay in laga fuliyo magaalooyinka waaweyn ee Puntland ee ahaa in weerar bambo gacmeed ah laga fuliyo degamadaas maadama Shabaabku ku wareejiyeen Axmed Karaash 120 xabo oo bambaanooyin ah gaar ahaan nooca loo yaqaano F1.

Waxaan hadaba todobaadkan soo gudbinaynaa sababta ay Shabaabku u danaynayso in ay wada shaqeyn la yeelato xubnaha shaadhka u soo xidhay shacabaka dulman ee SSC waa kooxda Khaatumo Seeg.

Waxaan soo bandhigi doonaan oraahdii uu hogaamiyaha kooxda Al qaacida xiriirka la leh ee Al shabaab Axmed Cabdi Godane (Abu Zubeyr) ku amaanay mashruuca Khaatumo.

Waxaan soo gudbin doonaan kooxda u badan gacan ku dhiiglayaasha ee ku dhuumalayasanaya dalka Maraykanka isla markaana ku kulma shirarka taleefanada gaara ahaan kooxda isugu timaada qolka loogu yeero 500 ee numbarkiisu yahay: +12189364343, Code: 500341.

Qolkaasi oo ah halka laga soo abaabulu dilalka qorshaysan ee ay isu diyaarinayso kooxda Khaatumo.

Waxaan shaaca ka qaadi doonaa magacyada islaamaha (dumarka) dharagta xamili waayay ee qarashka ku bixiyay in qof saxafi ah la soo dilo.

Waxaan soo gudbin doonaan dhamaan codadkii taleefoonada ee aanu qabanay intii la bilaabay mashruuca Khaatumo Seeg kuwaaso ay ku jiraan haween ku yaboohaya iibinta hub sida baasuukayaal kuwaaso ku nool dalka Maraykanka.

Taleex Media uma joogsanayso caga juglaynta iyo hanadaad kasta oo kaga timaada mashruuca Khaatumo Seeg ee hada u xuubsiibtay aragagaxisada.

Waxaan soo bandhigayaan magacyada iyo taleefanada dhamaan xubnihii ku luglahaa ugaarsiga saxafada madaxa banaan kuwaaso aan xogtooda la wadaagnaya hay’adaha amaanka ee caalamka gaar ahaan kuwa ay quseyso.

Jeneraaladii dalwadii Maxmed Siyaad Bare ee 21 sano ka dib weli u muusoonaya daadinta dhiig Soomaaliyeed ayaan soo baandhigayanaa codadkii lagaga qabtay iyago waqtigan ku nool dalalka Galbeedka.

Ugu Dambayntii waxaad Taleex Media todobaadkan ka heli doontaa dhamaan xogta kaa qarsoon ee ku aadan mashruuca Khaatumo iyo hadafkiisa dhabta ahi waxa uu yahay.

 

Tafatiraha Taleex Media
editor@taleex.net
Nairobi,Kenya