Taleex Media TV

Posted By Taleex Media On Sunday, August 21st, 2011 With 2 Comments
Share in top social networks!

[videogallery id="taleex"]

Share in top social networks!
Displaying 2 Comments
Have Your Say
  1. khalid says:

    hihihi how are you to day if

  2. Article/maqaal Cinwaanka maqaalkani waa:- Doqmo la isku diraayo oon dantood garaynin. Waxaa nasiib darro ah in somaliya u kaceen jiil aan cilmi diineed iyo ku dhaqan midna garanayn, oo ku anqarinaaya da’yarta sun iyo waabay, oo dhaxal uga dhigay nacayb iyo cadaawad aan sabab lahayn oo indho iyo dhegoba la’. Akhriyow waan kuu dhib yareeyee anigu waxaan ahay nin Somali ah una dhashay Somaliland, ka sii dhashay Awdal iyo Selel. Awdal Hooyaday baa leh Selela aabahay baa leh, labada gobalna anigaa leh Intaasi waa hordhac fudud oo aan ka soo qaatay dulucda maqaalkayga. Waxa maanta ka taagan Goboladii hooyaday iyo aabahay igu dhaleen waa wax qalbigu ka ooyo, niyaduna ka qanacdo oo ay qaadan waydo. Waxaan arkayaa in dadkii ka talin jiray labda gobol ee soojireenka ahaa, ee abayaashood iyo awowyaashood ay ka talin jireen ee nabadda toli jiray in aysan maanta talinaynin, waan ogahay odayyaashii garanaayay waxa la isku yahay, kuwii kala garanaayay nabad iyo colaad, kuwii daawayn jiray marka ay coolaadi salaq tidhaahdo, kuwii xeer ku kala bixi jiray, in aysan maanta nooleyn, waxaanse filaayay kuwii ay dhaleeni in ay dadka kala hagi doonaan, oo wixii gardarro ah diidi doonaan labada dhicanba, wixii gar ahna sheegi doonaan, taladana gacanta ku qaban doonaan, ilaa maanta ma arko kuwaas aan tabaayo, waxaan arkayaa kuwo aan hido iyo dhaqan u lahayn talada iyo hogaaminta beelaha oo xil aysan garanayn macnihiisa dusha saartay oo kolba dhan ula cararaaya, howlna ka dhigtay in ay isku diraan dadkan wada dhashay ee dad iskugu xigga, hadii aysan sidaa yeelina quud ma helayaane bal sidaa ogaada, miyaanad odhan Karin quutul daruuriyahoogii baa galay dhiiga dadka wada dhashay? Aniga waxay ila tahay sidaas. Waxan maanta ka socda degaankii xundhurtaydu ku aasnatahay waxaa sabab u ah maamulka Hargeysa. Anigu waxaan ahay kuwa taageersan dowladnimada Somaliland, laakiin waa baa iiga baryay marka aan arkay sida uu maamulku u talinaayo, waxaan moodaayay in wax dowlad ahi ka jirto Somaliland, laakiin waxaa xaqiiq ah in qabiil u dowladaynaayo qabaailkii kale, isla markaasna isku diraayo. Asaaska fitnadan socotta waxay ka alkumantay doorashooyinka lagu mashquuliyay dadka, waxaana masuul ka ah dadka maamulkan wada, sababtuna waa sidan: 1) Haddii maamulku daacad yahay waxay horta ka shaqayn lahaayeen sidii loo cadayn lahaa kuraasta ay beeluhu kala yeelanayaan gobol kasta, ka dib ayaa loo carari lahaa doorashada iyadoo beel kasta garanayso caddadda kuraasteeda, taa maamulku ma yeelin waayo wuxuu doonayay in ay ka dhex qaraxdo beelaha wada degga waxaa manta socda 2) Markii ay doorashadu dhamaatay dad baa soo cowday, oo soo sheegay in sanaadiiqda lagu shubtay, maamulku uma dirin gudi xaqiiqo raadis ah, balse wuxuu goostay in ay beelaha wada dega Awdal iyo Selel isku dhacaan, waxaa taa daliil u ah in ay marna yidhaadeen hala baadho arrinta saylac iyo lughaya, marna ay guri la galeen beel ka mid ah beelaha wada dhashay ee wada dega labadaas gobol, oo waliba arrintoodu ay keentay in dhallinyaro waxba galabsan la soo saaro oo been loo sheegay ay naftooda ku waayeen, wax alla was manta ay noftooda ku waayaanna aysan dhex oolin dadka. Arrinta labada beelood ee wada dega Awdal iyo Selel waa: Doqmo la isku diraayo oon dantood garanaynin. Baaq gaar ah Waxaan baaq u dirayaa Labada beelood ee degan Awdal iyo Selel: Waxaan la hadlayaa inta garaadka leh: Dhulka ilaahay baa horta leh, ka dibna dowlad cadaalad ah markay jirto baa leh, muwaadinkuna wuu ku noolaan karaa meeshuu doono. Waxa maanta carqaladda geliyay noloshii dadkeenna waa maxay? Waad ogtihiin anna waan idiin sheegi: Beel qayrkiin ah oo idinla siman baa idiin dowladaysay idinna gadhkaad u lusheen, kolba kan ay la joogaan mooyee kan kale ay caayaan oo ku diraan kan hor jooga. Ilaa markii eebe dhulkaas inagu uumay waa la wada deganaa, waa la wadaagi jiray cows iyo ceelba, gayaan baa la ahaa, abti iyo awow baa la ahaa, beel kastana meel ay taallo oo degaan u ah baa jira, jirtayna, waxa keliyaa ee manta cusubi waa kala didiyaha isku diraha u dowladeeyay dadkii islahaa. Caqligu wuxuu I siinayaa in siilaanyo uusan doonayn in Somaliland ay hesho aqoonsi dowli ah, oo heshiis qarsoodi ah uu kula jiro somaliwayne. Doonayana in beeshiisu(waa tan dhexee) ka hesho somaliya ugu yaraan afar state, inta kalse wax kama galin. Waxaad ogtihiin markii uu u magacaabay gudoomiye reerkiisa ah gobalka saaxil ee ay ka keceen kuwa Degaanka u leh saaxil, wuu ka bedelay, waayo ma doonayo in ay isku dhacaan beelihiisu, waxaadse aad aragtaan in uu ku raaxaysanayo isku dhaca reer galbeed, sida uu ugu raaxaysanayo isku dhaca reer bariga. Somalilannay waxba meesha idiinma yaalliin ee kala ceshada maatada iyo maan gaabka hurinaya dabka siilaanyo iskugu dhiibay, kala gaadha oo badbaadiya dadkeenna. Dadka garaaku ku dambeeyay ee aan la hadlaayo waxaa ka mid ah kuwa aqoonta sheeganaya iyo kuwa diinta sheeganaya ee jooga Awdal iyo Selel. Dalku wuu inagu filan yahay wuuna inaga badan yahay, ee ka shaqeeya horuumarkiisa inta aad gadhka u lulaysiin nin doonaaya burburkiinna. Waxaan la hadlayaa kuwan ku hadaaqaaya waa nala doortay: Maxaad xukumi hadii dadkii aad u talin lahayba midiyaha la iskugu dhiibay?? Fitnad baad madax u noqoteen, waa la iskukiin diray oo dulmi baad run moodeen. Eraygan : “ One man one vote” kama shaqeyso aduunyada badhkeed, gaara ahaan Afrika, waxa ka sheqiiyi waa “common sense iyo consus”, waa istixgelis la isku tixgeliyo sida loo kala dego. Isticmaarkii ingriiska ilaa doorosho ku sheega sunta wadatta ee siilaanyo adeegsanayo si dadka u qaybiyo markaana u yeedhiyo wuxuu doonaayo, labdeenna beelood way wada degi jireen, maxaa manta cusub?? Waxa cusubi waa: Taladii oo ay qabteen kuwo da’ yar oo aan garanayn waxa la isku yahay, kuwaas oo dhegta loogu sheegay wax been ah oo ah taa keentay in aabihii iyo abtigii collobaan oo isdilaan. Waxaa kaloo jirta jabhad hubaysan oo khasab ugu dowladaynaysa beelo la siman. Labada beelood ee wada degta Awdal iyo Selel waxaan ugu baaqayaa :- 1) In ay xeerkii soo jireenka ahaa iyo wadan wadaagoodii hore ay ku kala baxaan oo ay ku xalliyaan khilaafka la dhexdhigay. 2) Waa in ay shir furan iskugu yimaadiin oo uga tashanayaan danahooga. 3) Inay iska illoobaan maamul fitnadeedka isku diraaya, oo iska tuuraan waxan loo soo malmaluuqay. 4) Waa in ay ogaadaan in dantoodu ku jirto somaliwyne ee aysan ku jirin qabiil yar oo fidmo-ka talisah, kuwan qurba joogana waxaan u soo jeedinayaa in ka shaqeeyaan midnimada labada beelood ee isdhallay ee beesha dhexe ay iskugu dhiibatay midiyaha. 5) Waa in ay u arkaan Isaaq in uu yahay beel la siman, kuwii muslim dad ah oo ay isdileen ku magacaabay kuwoodii ka badbaaday dagaalada “Mujaahid” si ay gaalo soo laayeen, waxay shalay layeen waa askar masaakiin ah oo talis macangagihi u dowladaynaayay, sida manta ay beeshan ugu dowladeaynayso beelaha la leh dadlkan. Indho laga cabsadaa ilaahaybay ku yaalliine maamulka hargeysi ma hanan karo dowladnimo,dadka Somaliland ee galbeedka iyo barigu waa in ay ka tashadaan aayahooga, oo aysan marnaba beel la mid ah ka yeelin in ay u dowladeeyaan. Dowlad baa ka jirta Somaliland way beenowday, fitnnad baa ka jirta. Reer awdaliyo selel , amaa ciise iyo gadabuursi, waxaad manta noqoteen “Doqmo la isku diraayo oon dantood garaynin” Dr . Bowlax Maxmmad.

Leave a comment

If you are happy to be contacted by a Taleex Media journalist please leave a telephone number that we can contact you on. In some cases a selection of your comments will be published, displaying your name as you provide it and location, unless you state otherwise. Your contact details will never be published. When sending us pictures, video or eyewitness accounts at no time should you endanger yourself or others, take any unnecessary risks or infringe any laws. Please ensure you have read the terms and conditions.